Latest News

Fatwa Laga Soo Saaray Xamar Oo Alshabaab Iyo Daacish U Aqoosatay Khawaarij La Dagaalankoodu Waajibyahay

Muqdisho,October 30,2022(Haatufomline)-Shir u soo qabanqaabiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somalia Sheekh Mukhtaar Roobow oo shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo saaray Fatwa labada kooxood ee Daacish iyo Alshabaab u aqoonsatay inay yihiin Khawaarij ka horyimid mabaadiida iyo axkaamta diinta islaamka isla markaana uu la dagaalankoodu xaq iyo waajib yahay .Qodobadda ay Fatwadu ka koobantahay ayaa u dhignaa sidan:

1: In lala dagaalamo Alshabaab iyo Daacish.

2: Inay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, islamarkaana ay isku mid yihiin, kharash side iyo kharash bixiye.

3: In maanta wixii ka dambeeya kooxaha Shabaab iyo Daacish loogu yeedho Khawaarijta

4: In laga horyimaado wax kaste oo ka hor imaanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban, sida isticmaalka daroogada iyo anshax xumada baraha bulshada ee internetka.

5: In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siyaasad qaran oo lagu horumarinayo xarumaha diinta islaamka lagu barto.

6: In la dhiso sanduuqa Sakada iyo hay’adda awqaafta qaranka.

7: In la qabto shirweyne ay kasoo qeyb galaan culimada ku sugan dalka iyo dibadda, si looga tashado, gaar ahaan ka ilaalinta diinta islaamka afkaaraha qalloocan.

8: In muddo kooban lagu dhameystiro habraacyada iyo xeerarka laga maarmaanka u ah dhismaha golaha sare ee  culimada Soomaaliyeed  oo ay u dhan yihiin dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo noqonaya marjaca diiniga ah.

9: In arrimaha xajka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda Soomaaliyeed iyo wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedyada.

10: Shirweynuhu wuxuu bogaadinaya kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

11: Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dammaan shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha kharaarijta diinta, bannaystana dhiiggooda iyo maalkooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*