Latest News

Garoonka Diyaaradaha Baledweyne Oo La Filayo Inuu Ka Soo Dago Madaxweynaha Hirshabeele Oo Madaafiic Lagu Weeraray

Baledweyne, February 6, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday Madaafiic lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif oo ku yaala Baledweyne.

Weerarkan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan oo kasoo horjeeda Cali Guudlaawe oo ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo maanta la filayo inuu yimaado magaalada.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda iyo dagaalka dhexmaray ciidamada Kacdoonka Hiiraan iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Gorgor Haramcad iyo Militariga gobolka Hiiraan.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in magaaladu ay kala xidhan tahay xiisada ka taagan awgeed, isla markaana ay hakad galeen goobaha waxbarashadu.

Connect with us on Facebook