Latest News

Wefti Ka Socda Somaliland Oo U Kicitimay Taiwan

Hargeysa, February 7, (Haatufonline) – wefti balaadhan oo ka socda Somaliland ayaa u kicitimay Taiwan oo ay casuumad rasmi ah ka heleen dawlada Taiwan.

Weftigan Somaliland ayaa ka kooban Afar Wasiir oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee JSL, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, waxa kale oo weheliya Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Md. Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Md. Cumar Cali Cabdilaahi.

Waxaanay la kulmi doonaan muddada ay joogaan madaxwaynaha Taiwan, Marwo Tsai Ing-Wen iyo wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada arrimaha dibadda, ganacsiga, beeraha, iyo arrimaha badda. Sidoo kale waftigu waxa uu la kulmi doonaa madaxda haayada TaiwanICDF, shirkada CPC, iyo shirkada CECI oo cisbitaal casri ah ka hirgalin doonta Somaliland. Si guud booqashada waftigu waxa ay daaran tahay dardar galinta iskaashiga labbada dal ee siyaasada, caafimaadka, waxsoosaarka, ganacsiga, iyo dhinacyada kale ee muhiimka ah.

Connect with us on Facebook