Latest News

Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sheegay In Markii Labaad Dambi-Baadhista Booliska Looga Yeedhay.

Hargeysa, May 23, 2026 (Haatufonline) – Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo dhawaan dhaliilo xukuumada uga jeediyey safaarada ay ka furatay Qudus ayaa sheegay in markii labaad looga yeedhay hay’adda Dambi-baadhista Booliska Somaliland.

Guuleed Dafac oo tilmaamay in yeedhistani daba socotay hanjabaadii Wasiirka daakhiliga, uu u Sheegay CID-da inuu xaq u leeyahay inuu hadlo oo dastuurku u fasaxay, waxna aanay ka jirin eeda Kicin Dadweyne.

Guuleed Dafac oo qoraal ku baahiyey baraha bulshada ayaa yidhi “Habeenkii Khamiista, 21 May, ayaa la iiga yeedhay Qaybta Dembi-baadhista ee Booliiiska. Waxa la igu eedeeyey kicin dadwayne oo ku lug leh hadallo aan ku qoray Facebook. Yeedhmada iyo waraysiga Booliisku (interrogation) waxa uu ka danbeeyey hanjabaddii Wasiirka Arimaha Gudaha, Mudane Canbdalle. Booliiska waxa aan u sheegay inaan xaq u leeyahay inaan hadlo oo waa arin dastuurku ii damaanad qaaday.

Mar dhowayd ayaa mar kale la iiga yeedhay isla Qaybta. Waxaanse u sheegay inaan yeedhmada hore ku yeelay ixitraam ahaan. Balse sharci ahaan amar maxkamadeed oo keliya la iigu yeedhi karo.

Waxa aan Madaxwayne xasuusin lahaa in car juuq dheh, hortii jire ba laga yeeli waayay. Anniguna shaqsi ahaan aanan sinaba uga tanaasulli karin xaqayga, anniga oo aan cidna ku xadgudbayn oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeerarka dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*