Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay Inaanay U Dulqaadan Doonin  Cid Kasta Oo Aflagaadaysa Qaranimada

Hargeysa, May 21 2026 (Haatufonline) -Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cabdale Sandheere oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Hargeysa ayaa ku eedeeyey Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ( Dafac) inuu u shaqeeyo cawga Somaliland, sida uu wasiirku hadalka u dhigay.”Waxa jira ashkhaas Somaliland ah oo u adeegta cadowga. Somaliland waxay yeelatay cadow ilaa intii la aqoonsaday, waxaana kow ka ah Xasan Sherkhaasi Xamar jooga” ayuu yidhi Wasiir Sandheere waxaanu intaasi ku daray inaan loo dulqaadan doonin cid kasta oo qarankan aflagaadeeya waxaanu yidhi “Inan yar oo intuu afar sadar soo akhriyo yidhaa sharci ayaan aqaan oo uu aflagaadeeyo qaranimada, qarankani u dulqaadan maayo.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*