Latest News

Golaha Guurtida Somaliland Oo Mudo Kordhin 2 Sano Ah U Sameeyey Golaha Wakiiladda, Iyaguna Saddex Sano Kordhistay

Hargeisa, November 24, 2019 (Haatuf) – Golaha Guurtida Somaliland oo mudo kordhin 2 sano ah u sameeyey Golaha Wakiiladda, iyaguna saddex sano kordhisatay.

Guddoomiye xigeenka golahaas ayaa ka hor akhriyay golaha soojeedintii gudigii loo saaray.

Waxaana inta ka dib guddoomiye Saleebaan cod geliyay inta soo jeedintaa ogol .

Waxaana ogolaaday 70 gudoomiyuhuna ma codeyn.

Waxaana kalfadhigaas kasoo xaadiray oo fadhiyay 71 xildhibaan.

Mudo kordhintan ayaa noqonaysa tii lixaad ee golaha wakilada loo sameeyo, kuwaas oo golahaas fadhiyey mudo 15 sano ah, iyadoo mudo-xileedkoodii ku eekeyd 2010-kii.
Dhinaca Kale Golaha Guurtida ayaa iyaguna isku kordhiyey mudo 3 sanno ah.

Image may contain: 1 person, indoor
Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*