Latest News

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Biixi Eedeeyey

Hargeysa, (Haatuf) – Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey inay ku tumanayso sharciga dalka, waxaanu tilmaamay in Adayga iyo adadkaantu ay tahay qofka ku adag cadowga balse aanay ahayn qofka ku adag shacabkiisa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Malaha Madaxweyne Muuse Adayga wuxuu u yaqaanaa fiicanaan iyo raganimo, adaygu waa qofka ku adkaada cadowgiisa ee maaha qofka shacabkiisa ku adkaada, adaygu ka shicibkiisa ku durduriya maaha.

Waxa uu ka dhigtay inuu sharciga ku durduriyo oo uu ku durduriyo shicibkii, oo ay u dambaysay xafiiskan xisbiga Waddani oo ciidamo la dhigay, oo aanu soo galnay anaga oo lugaynayna oo ay xabaddu ay socotay.

Waxaan Arkayey nin Wasiir ah oo maalin hadlaya oo leh 12 xabaan ridoo anigana Booliska kun xabadood igu soo ridoo Xirsibaa watay, isagiibaa dambigii qiranaya oo leh 12 xabadood ayaan riday, Waar anagu waxbadd maanaan ridin xafiiskaa ayaanu ku soo soconay, rasaasna gadhkaa naloo galiyey, kuwaasaa daliishan doona oo odhan doona shalaybaa la ridi jiray, waar waa sharci daro ayaanu leenahay, waa kibir iyo adyad aan qaban, waxaanu leenahay halaga daayo,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Xisbiga Waddani.  

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*