Latest News

Goobaha Laga Xoreeyo Shabaabka Waa In Lala Soo Gaadhaa Gargaar Lagana Hirgaliya Maamul-Wanaag Iyo Horumarin

Haatufonline,September 23,2022- Waa marka hore eh dawladda iyo bulshaweynta Somalia waxa waajib ka saaranyahay in deegaanada laga xoreeyey aanay argagixisadu dib ugu soo laaban. Hadii kale waxay niyad jab aan laga soo waaqsan karin ay ku ridi doontaa shacbigii iskii isu abaabulay ee ku guulaystay inay iska dulqaadaan heeryadii gumaysiga Alshabaab ee dusha ka saarneyd. Sido kale waxay si taban u saamayn doontaa cidkastoo kale oo ku hamida inay dhulkooda argagixisada ka saaraan.

Ta labaad dagaalka militari waa inu barbar socdaa dadaal adag oo salka loogu dhigayo goobaha la xoreeyo.Waxaana kow ka ah in markiiba lala gaadho gargaar bani aadaminimo ah sida raashin,biyo qalab dhisme(emergency humanitarian relief aid).

Muhimadda sadexaad ee ku xigtaa waa maamulka oo loo hagaajiyo (gole deegaan,maxkamado,boolis) oo laga sifeeyo wixi musuqmaasuq ah (good governance) iyo mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyo.Hayadaha gargaarka qudhidooda waa in ay taageeraan sidii hawlahaasi ay suurtogal u noqon lahaayeen.

Qorshahaasi waxa ugu horayn laga hirgalin karaa deegaanadii gobolka Hiiraan ee dagaalada kululi ka dhaceen. Waxay sidani sahli doontaa in goobahaasi noqdaan qaar ku daysho mudan oo hami galiya deegaanada kale inay iska fujiyaan gumaysiga,dilka iyo boobka ay argagixisadu ku hayaan.

Talaabooyinka kor ku xusan waxa ka dhiman wacyigalintii diimeed oo waa in dadka loo sharxo khaladaadka iyo gefafka ay Shabaabku ka galeen diinta Islaamka ee dhabta ah iyo sida guracan ee ay u turjumeen uguna takrifaleen mabaadiidi ay caqiidada Islaamku ku dhisnayd.Culimada la yaqaan ee Somalia runti badankoodu maaha qaar la isku halayn karo waayo Alshabaab way ka baqaan qaarna wayba taageeraan. Sida darteed waa in kaalintasi ay qaataan culimada dhalinyarada ah ee aqoonta diineed ee sare lehi. Warbaahinta Somalia ayaa iyaguna sida culimada cabsi daraadeed u gabi kaalintoodi,waxaana loo baahanyahay inay degdeg isu dabaqabateeyaan intaan dadku kusoo jeedsan.

Siyaasiyiinta Somalia in badan ay caadaysteen inay dawladnimada u arkaan dariiq ay awood(power) iyo xoolo ku hantiyaan,waana sababta ugu weyn ee keentay in Somalia mudada dheer ahaato dawlad fashilantay oo argagixisadu inteeda badan ka taliso. Hadaba suaashu waxay tahay maanta ceebta ma iska maydhi doonaan oo hiil iyo hooba ma isla barbar taagi doonaan dadkooda u guntaday inay Alshabaab iska xoreeyaan?

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*