Latest News

Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Dhuusamareeb Oo Gaadhay Deegaamo Dhawaan Al-Shabaab Laga Saaray

Dhuusamareeb, September 23, 2022 (Haatufonline) – Madaxda sare ee maamulka Degmada Dhuusamareeb, gudoomiyaha maamulka Gobolka Galgaduud iyo xubno katirsan golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug ayaa gaadhy deegaanka Sinadhaqo oo kamida deegaanada hoosyimaada magaalada Dhuusamareeb oo dhawaan ciidanka Galmudug iyo dadka deegaanka oo kaashanaya kuwa Dawlada Somalia ay kasaareen kooxda Alshabaab.

Deegaanadan laga saaray Al-shabaab ayaa dhibaato hoogle markii hore kala kulmi jiray kooxda bale dagaalo dhawaan dhacay lagaga saaray.

Hase yeeshee waxa wali jira dagaalo Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo ciidamada gobolka iyo dawlada Somalia oo isku dhinac ah ku dhexmaraya, sida ay ku waramayaan warbaahin ka hawlgasha gudaha Dhuusamareeb.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*