Latest News

Guddida Doorashooyinka Ee Khilaafku Ka Taagnaa Oo Maanta La Dhaariyey

Hargeysa, (Haatuf) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Maanta Madaxweynaha Somaliland hortiisa ku dhaariyey lix ka mid ah Xubnaha cusub ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Xubnaha la dhaariyey oo tiradoodu dhan tahay Lix ayaa waxa soo kala Magacaabay Madaxweynaha, Golaha Guurtida iyo Xisbiga UCID, laakiin waxa ka maqan Xubin uu Xisbiga WADDANI hore u soo Magacaabay oo dhamaystiri lahaa Komiishanka oo sharcigu dhigayo inay noqdaan 7 Xubnood.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ka dib markii Guddoomiyaha Maxkamadda sare ku hor dhaariyey Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu Madaxweynaha ku hor dhaariyey xubnaha cusub ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo la doonayo inay beddelaan komiishankii hore oo Tiradoodu dhan tahay 7 xubnood.

 “Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxaana uu ku  adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, isla-markaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen Maanta.”

Dhanka kale, Xubnaha uu Maanta dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa xubno ka mid ah waxa diiddan Xisbiyada WADDANI iyo UCID, taasina waxay keentay in Xisbiga WADDANI uu dib ula noqday Xubintii uu u soo xushay inuu uga mid noqdo Komiishanka Doorashooyinka ee cusub, halka Xisbiga UCID-na uu xubintii uu soo xushay oo ku jirta Xubnaha Baarlamaanku ansixiyey ee Maanta la dhaariyey uu sheegay inuu is-casili karo, maaddaama oo Madaxweynuhu diiday in xubnaha uu Komiishanka u soo xulay ka reebo Xubin Magaciisu yahay Cabdirashiid Riyo-raac, kaasi oo lagu tuhmayo inuu ka mid yahay Xisbiga KULMIYE, Sharciguna aanu ogolayn in ashkhaasta Xisbiyahannada ahi ka mid noqdaan Komiishanka doorashada ee la doonayo inay dhex u noqdaan guud ahaan Axsaabta.

Ugu dambayn, dhaarinta Xubnaha Komiishanka ee Xubintii WADDANI ka maqan tahay ayaa kor u sii qaadi karta Khilaafka siyaasadeed ee haatan Somaliland ka jira.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*