Latest News

Culimada Suufiyada Oo Ku Guulaystay In La Baajiyo Muxaadiro Sheekh Umal Muqdisho Ka Jeedin Lahaa

Muqdisho, (Haatuf) – Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar oo loo yaqaan (Sheekh Soomow), isla markaana ka mid ah culimada dariiqada Suufiyada ayaa si adag uga soo horjeestay Sheekha Wahaabiga ah ee Sheekh Umal oo muxaadiro ka jeedin lahaa magaalada Muqdisho.

Sheekh Soomow ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celinayaan joojinta muxaadaradii Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, isla markaana waxa ay dariiqada Suufiyadu ay baajiyeen isku soo bax ay dhigi lahaayeen kadib markii dawlada Somalia ay joojisay Muxaadiradaasi Sheekh Umal.

“Barito sidaa ogtihiinba Ahlu-Sunna Waljamaaca waxay ku balansaneed inay dhigaan banaanbax aad u weyn sidaa darteed waxaan u sheegayaa inay joojiyaan banaanbaxaas, waana in mowlacyadooda ay joogaan, masaajiddooda joogaan, howlahooda u gaarka ah ay qabsadaan” ayuu yidhi Sheekh Soomow.

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa lagu sheegay in la baajiyey muxaadaraddii Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo lagu waday in lagu qabto gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaana baaqashada muxaadarada Sheekh Umal ay ku soo beegmaysaa xili gudaha magaalada ay ka dhaceen mudaharaadyo ay dhigeen culimada Suufiyada oo ay ku diidanaayeen in magaalada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu muxaadaro ku qabto.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*