Latest News

Guddida Ka Hortaga Xanuunka COVID19 Oo Kulan La Yeeshay Saxaafada Somaliland.

Hargeysa, March 30, 2020 (Haatuf) – Gudidii heer qaran ee ka hortaga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID 19 oo uu Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Gudoomiye u yahay ayaa maanta Kulan balaadhan Saxaafada Madaxa banaan kula qaadatay Gudaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, kulankan ayaa ahaa mid ay isku waraysanayeen masuuliyiinta gudidaasi iyo Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.

Masuuliyiinta Gudidaasi oo halkaasi ka hadashay ayaa ayaa saxaafada madaxabanaan kala hadlay qaabka iyo sida loo faafinaayo Wararka la xidhiidha Xanuunka dunida saameeyey ee Carona Virus, waxaanay madaxdu sheegtay in wakhtigan lagu jirto xaalad deg deg ah loona baahan yahay in Saxaafadu ay aad uga fiirsadaan wararka la xidhiidha xaaladahaasi.

Gudoomiyaha guddida ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn cid rasmiya oo la xaqiijiyey inuu hayo ducurkaasi, balse ay jiraan dad karatiimaynsan oo Wasaaradda Caafimaadku ku hawlan tahay baadhitdaankooda, sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay inay jiraan dad kasoo jeeda Gobolada Putland oo kasoo degay Garoomada Somaliland kuwaasi oo iyagana la karantiimeeyey haddana ay ku wareejin doonaan maamulkooda.

Dhanka kalena guddida ayaa qalab isugu jira Taangiyada Faraxalka iyo Saabuun kala wareegay Wasaaradda Horumarinta Khyeraadka Biyaha, waxaanay gudidu fariin caafimaad si wada jir ah ugu direen guud ahaanba Bulshada Somaliland oo ay ugu baaqeen inay joojiyaan isu imaatinka islamarkaana ay ku sugnaadaan guryahooda.

Wa bilaahi tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*