Latest News

“Waxa Nasiib-Daro Ah In Ilaa Hadda Oo Aynu Ognahay Xanuunkaasi Aduunka Faraha Baas Ee Uu Ku Hayo Inaynaan Xakamaynin Hawadeenii” Xisbiga Waddani

Hargeysa, March 31, 2020 (Haatuf) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhaliilay xukuumada Somaliland in aanay xakamayn baabuurta qaadka soo galiiya gudaha Somaliland iyo duulimaadyada diyaarada Ethiopian airline, si looga hortago xanuunka Coronavirus oo si xawli ah u fidaya.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi ayaa tilmaamay in dhibaatooyin ay ka dhalan karaan  xakamayn la’aanta qaadka.

“Waxa ilaa hadda socda baabuurtii qaadka ee 6:00 subaxnimo bilaabmi jiray ilaa 12:00 habeenimo socon jiray, iyaga laftoodu waxay inoo sidaan waa xanuun weeyaan.

Ethiopia badhtankeeda ayay baabuurtaasi ka yimaadaan kaantarool lagu joojiyaa ma jiro meel lagu baadhaa ma jirto intaas oo qof ayaa kiiloogaa iyo mijintaa qaadka ah gacanta soo saara, waxa afarta milyan ee qof ee Somaliland ku nool waxa Jaadka cuna kala badh, Ayaan daro weyn ayay inagu tahay in cashuurta jaadkaasi inaga saamayso shacbiweynaheena Somaliland,” ayuu yidhi Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Waddani, Maxamed Faarax Cabdi.

Sidoo kale Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Waddani waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay joojiso duulimaadyada ay Somaliland ku timaado diyaarada Ethiopian Airlines.

“Waxaynu ognahay in guud ahaanba caalamku, dal kastaaba uu xakameeyey xuduudihiisa badda, bariga iyo hawadaba. Waxa nasiib-daro ah in ilaa hadda oo aynu ognahay xanuunkaasi aduunka faraha baas ee uu ku hayo in aynaan xakamaynin hawadeenii, iyadoo aynu u khaas yeelnay hal diyaarad ah, diyaaradaasi ay tahay ta aduunka dadka oo dhan ka soo qaada,” ayuu yidhi Maxamed Faarax Cabdi xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*