Latest News

Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Is-Afgarad Ka Gaadhay Xuska 18-ka May

Hargeysa, May 16, 2022 (Haatufonline) – Xukuumada Somaliland iyo xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani oo caawa kulan yeeshay ayaa is-afgarad ka gaadhay xuska maalinta qaran ee 18-ka May.

Kulankan caawa ee labada dhinac oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa yimid kadib markii xisbiyada mucaaridku ay hore u sheegeen inay dhinacooda qabanqaabinayaan xuska 18ka May oo ay gaar u xusayaan, kaas oo xukuumaduna gaashaanka ku dhufatay in aanay qabanqaabin karin xuska 18 May cid aan ka ahayn gudida qabanqaabada 18ka May.

Hase yeeshee kulankan ayaa la isku afgartay in si midaysan ay cid kastaaba ay ku dabaaldagi karto meelaha ay ugu talo gashay in lagu qabto xuska 18ka May oo ah maalinta Somaliland ay xornimada la soo noqotay oo laga joogo 31 sanadood.

Waxaa kale oo kulankan la iskula afgartey in kulan danbe la isugu yimaado kaas oo laga arrinsanyo doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed Ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga külmiye oo ka war-bixiyay is fahanka kulankan laga gaadhey, sidoo kale waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin isugu jira Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sheegay in guul laga gaadhey kulankan, dhinaca kale, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo soo qabtey ayaa kulankan hadalo ku taxaluqa kulanka iyo ahmiyadiisa halkaasi ka jeediyey.

 

Connect with us on Facebook