Latest News

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Sabtida Labadda Xisbi Qaraar Ka Soo Saari Doonaan Xaaladda Dalku Marayo

Hargeysa, (Haatuf ) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng:Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa sheegay in maalinta sabtidda labada xisbi mucaarad shir qabsan doonaan, taas oo ay kaga hadli doonaan xaaladda uu dalku marayo iyo xogta ay hayaan oo ay shacabka usoo bandhigi doonaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in labada guddi fulineed ee labada xisbi kulmi doonaan, taas oo ay dul istaagi doonaan guud ahaan xaaladda uu marayo dalku, waxaanu ku tilmaamay inuu marayo xaaladii ugu adkayd ee waligeed ay gaadho Somaliland.

“ Dalku wuxuu maraya marxalad aanan islahayn waligii wuu gaadhaya ayuu maraya, guddo iyo dibad warwar weyn baa shacabkeeni haysta, sabtida ayaa labada xisbi wada fadhiisan doona oo xaaladda uu dalku marayo ayaanu go’aamo ka soo saari doonnaa, iyo xogta aynu hayno inaanu dadka la wadaagno” ayuu yidhi gudoomiye Faysal.

Waxa uu intaas ku daray “Qaaraarkaasi oo dhinac walba kaga hadli doono, haday tahay arrimaha, dibadda, arrimaha gudaha, dhaqaalaha iyo halka uu marayo ayaanu go’aano ka soo saari doonno si umadda u baraarujinno.”

Gudoomiyeyaasha labada xisbi ayaan marna ogolayn in la furo xisbiyada, isla markaana si weyn uga soo horjeedda.

Gudoomiyeyaasha labada xisbi ayaan marna ogolayn in la furo xisbiyada, isla markaana si weyn uga soo horjeedda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*