Latest News

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Sweden

Stockholm, October 3, 2020 (Haatufonline) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’, oo mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa qaar kamid ah waddamada qaarada Yurub, ayaa kulamo la qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha dibada ee Sweden ayaa gudoomiye ciro waxa uu Masuuliyiinta Sweden uu kala hadlay arimaha ay ka taageeraan Somaliland oo ay ka mid tahay doorashooyinku iyo xoojinta xoriyatul qawlka.

“Waxaanu maanta la kulanay Wasaarada arimaha dibada, gaar ahaana waaxda Afrika, waxaanu kala hadlay arimaha doorashooyinka, Dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinka Somaliland.

Waxaanu ku wargalinay in doorashadii la qabanayo bisha 5aad, waxay noo sheegeen inay wararkeeda hayaan doorashada, safaaradooda Swedena ay usoo dirtay warar arimahaa ku saabsan,” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro.

Waxa kale oo uu sheegay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro in masuuliyiinta Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Sweden ee ay kulanka la yeesheen ay kala hadleen sidoo kale arimo ku saabsan Miisaaniyada doorashooyinka, isagoo gudoomiyuhu arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu kala hadalnay arinta Miisaaniyada doorashada, waxaanay balanqaadeen inay arintaa jawaab ka soo bixin doonaan Insha Allaahu  si dhakhso ah, jawaabtana la ogaan doono hadii alle yidhaahdo,” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.

Sida oo kale waxa aanu si qoto dheer uga sheekaysannay hannaanka ka qeybgelinta haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashada” Guddomiye Cirro”Waxa aan maanta kulan la qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden oo aanu ka wada hadalnay kaalinta ay dawladda Sweden ka qaadaneyso doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ee dhacay 2021ka, bisha May. Sida oo kale waxa aanu si qoto dheer uga sheekaysannay hannaanka ka qeybgelinta haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashada” Guddomiye Cirro

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*