Latest News

Hargeysa: Faadumo Cismaan Oo Maanta Meherkeeda Loo Balansanaa Oo Geeriyootay

Hargeysa, January 15, 2022 (Haatufonline) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ka hor meherkeedii ku geeriyootay Faadumo Cismaan Aadan, waxaana wada kulmay waqtigii farxadda arooskeeda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumadda.

Faadumo ayaa maanta loo ballansanaa meherka iyada iyo Khaalid Maxamed Maxamuud, hase ahaatee waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo ay u geeriyootay, isla maanta, sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumadda, waxaana meherka uu isku beddalay tacsi.

Axmed Karaama oo ka mid ah asaxaabta Faadumo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inuu meherkeeda uga yimid dalka dibaddiisa, balse uu maanta joogo tacsida walaashiis oo uu u yimid inuu kala qeyb-galo maalinta farxadda ee arooskeeda.

“Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku beegnaa isla maanta. Anigoo waddanka ka maqan ayay igu odhan jirtey ii soo dhakhso walaal aad ila joogtid maalinta farxadayda e. Waan ka xumahay inaan maanta u joogo geerideeda. Walaashay waxaa si lama filaan ah ugu soo booday Faalig,” ayuu yidhi Karaama.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qoraalkan waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wadnuhuba i gariirayaan wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga,”.

Dhacdadan murugada leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Internet-ka, waxayna dadku aad u faafiyeen tacsida marxuumadda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid, maadaama ay noqotay dhacdo xanuun badan oo murugo

Connect with us on Facebook