Latest News

Hawlgal Caalamiya Oo Lagu Qabtay Magafihii Dunida Ugu Khatarsanaa Oo U Dhashay Dalka Eritariya

Khartoum,January 9,2023(Haatufonline)-Waxa dalka Suudaan Axaddi shalay gacanta lagu dhigay Magafihii dunida ugu khatarsanaa ee dadka tahriiba ku cadaabi jiray dalka Liibiya oo magaciisa la yidhaa Kidane Zekarias Habtemariam kaasoo Bilayska Aduunka ee loo yaqaan Interpol sanado ku dabajiray soo qabashadiisa.

Magafahan oo u dhashay dalka Eritrea ayaa waxa loo haystaa faldambiyeedyo la xidhiidha tahriibta dadka iyadoo uu afdoobi jiray oo uu lacag madaxfurasho ah u haysan jiray isla markaana jidhdil u gaysan jiray dadkaasi tahriibaya. Labada dal ee Itoobiya iyo Holland oo dacwado kaga socdaan Hebtemariam ayaa midwalba goonidiisa Interpolka uga dalbaday in Magafahan lasoo qabto si sharciga loo horkeeno.

Sanakii 2020 ayaa dawladda Itoobiya qabatay Hebtemariam hasayeeshee sanadkii 2021 ayuu ka fakaday mar la horkeenay maxkamad ku taalaa Addis Ababa .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*