Latest News

Alshabaab Oo Lagu Weeraray S/Dhexe Iyagoo Beero Dhexdood Ku Diyaarinaya Qaraxyo Ay Ka Fuliyaan Muqdisho.

Muqdisho December 9,2023(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa waxa ka fashilmay laba hawlgal oo ay damacsanaayeen inay midkood ku weeraraan ciidamada Macawislayda iyo dawladda ee ku sugan tuulada Xawaadlay, midka kalena ay 2 baabuur oo ay qaraxyo ku xidheen oo u qorshaysnaa bartilmaameedyo ku yaala magaalada Muqdisho, kadb markii lala beegsaday weerar qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka Sirdoonka Somalia ee loo yaqaan Nisa iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee tageeraa.

War saxaafadeed ay dawladda Somalia maanta soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in ciidanka Alshabaab oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 150 lagu weeraray beero ku yaala duleedka Xawaadlay dhexdooda xili ay isu diyaarinayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada Macawislayda iyo kuwa dawladda ee ku sugan jiiddaasi iyo sidoo kale iyagoo waxyaabaha qarxa ku xidhaya laba baabuur kuwaasoo ay rabeen inay soo galiyaan Muqdisho. Warsaxaafadeedka dawladda ayaa waxa lugu sheegay oo kale in ilaa 61 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay hawlgalkaas isla markana la burburiyey labadii baabuur ee ay qaraxyadda ku xidhayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*