Latest News

Hawlgallo UU Xasan Daahir Aweys Doonayey In Lagu Khaarajiyo Madaxda Somaliland Xiligii Maxaakiimta Oo Xogtoodi La Helay.

Wikileaks,January 22,2022(Haatufonline)-Sida lagu faafiyey website-ka Wikileaks ,Xasan Daahir Aweys ayaa xiligii uu ahaa hogaamiyaha militari ee Maxaakiimta diyaariyey hawlgal balaadhan oo ujeedadisu fogi aheyd in Maxaakiimtu ay inqalaabaan dawladda Somaliland oo ay xukunkeeda la wareegaan.Hadaba si ujeedadaasi loo xaqiijiyo,Daahir Aweys waxa uu dajiyey qorshe marka hore lagu mijoxaabinayo nabadda iyo deganaanshaha Somaliland isla markaana lagu burburinayo midnimada bulshadeeda.
Siday ku cad qoraal soo baxay 28 December 2006 oo uu ku saxeexanyahay Xasan Daahir Aweys,qorshahani wuxu ka koobna qaybo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen :
1.In Maxkamado iyo dad Maxaakiimta ka wakiil ah laga sameeyo dhamaan gobolada iyo magaalooyinka Somaliland iyadoo la adeegsanay odeyaasha daqanka.
2.In ciidamada la dhex galo oo la kala furfuro iyadoo la adeegsanayo qabyaaladda
3.In la khaarajiyo madaxda dawladda iyadoo iskaashi lala samaynayo lana adeegsanayo mujrimiinta wax dila ee dambiyada caadaystay.
4.In reer walba loo sameeyo hogaamiye dhaqameed taabacsan Maxaakiimta.
5.In wasiirada lagu yeesho xubno u hanuunsan Maxaakiimta.
6.In la isku diro jilibadda ay beesha Mareexaan ka koobantahay si loo daciifiyo oo loosoo xerogaliyo.
7.In la isticmaalo oo taageero buuxda la siiyo janaraal Morgan si uu u burburiyo taageerada qabiil ee ay haystaan hogaamiyeyaasha awoodda lagu tiriyo ama lagu tuhmayo ee Somalia ka jira.
8.In Somaliland iyo Itoobiya la isku diro
9.In la taageero jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya ee ONLF iyo OLF.

Connect with us on Facebook