Latest News

Dooni Kusoo Jeeday Gacanka Cadmeed Oo Laga Helay 40 Ton Oo Ah Digada Kimikada Urea Fertilizer Ee Walxaha Qarxa Laga Sameyn Karo.

Baxrayn,January 24,2022(Haatufonline)- Ciidamada Maraykanka ee gaafwareega biyaha badda ee u dhexeeya dalalka Khaliijka ilaa Yaman iyo Gacanka Berbera ku beegan ayaa horaantii bishan meel ku dhaw xeebta dalka Cumaam ku qabtay dooni weyn oo ay saarneyd shixnad 40 Ton oo ah digadda kimikada ee beeraha loo isticmaalo ah(Urea Fertilizer) taasoo laga sameyn karo walxaha qarxa.
Doonidan oo aan sidan calan iyo waraaqo lagu garto dawladda ay ka diwaangashantahay ayaa la aaminsanyahay inay ka timid dhinaca Iraan inkastoo aan la xaqiijin jihaday usii jeeday markii la qabtay balse ay u badantahay inay ku socotay dalka Yaman ama Somalia midkood uun.
Isla doonidan lafteeda ayaa ciidamada Maraykanku sanadki lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen xili ay maraysay meel ku beeganayd xeebta Somalia waxaana laga helay oo saarnaa hub farabadan oo noocyo kala gedisan iskugu jiray,hubkaas oo marka la qiimeeyo noocyadiisa ka iman karo uun dalka Iraan.Ciidanka Maraykanku markii dambe waxay sii daayeen oo sahay biyo iyo cunto ahna siiyeen badmareenadi doonidaasi saarnaa.
Dhacdadan u dambaysay ee digadda kimikada ah lagu qabtay waxay ku beegneyd 6 di bishan iyadoo ciidamada Maraykanku ay Jimcihii dhaweyd Ilaalada Badda ee Yaman ku wareejiyeen 4 qof oo shaqaalihi doonida ah iyo doonidiiba.

Sida la ogsoonyahay dalka Iraan ay hub kootarabaan ah usoo dira kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman iyadoo uu kusoo raro doonyo yar yar oo uu soo mariyo badda.Dhica kale dalka Yaman ayaa waxa dhinaca Somalia looga soo tahriibiya hubka fudud iyo walxaha qarxa.
Ururka Alshabaab laftiisa ayaa sida ay warbaahintu dhawaan lsheegtay dibadaha gaarahaan dalka Shiinaha ka keensada maadooyinka kimikada ah ee laga sameeyo qaraxyada wayweyn sida Sulphuric Acid iyo digada Urea Fertilizer iyadoo sanadki 2020 dekadda Muqdisho lagu qabtay kimika xadigeedu dhanyahay 79 Ton oo ah maadada Sulphuric Acid ee qaraxyada laga sameeyo.

Connect with us on Facebook