Latest News

Hogaamiyaha Sudan General Al-Burhan Oo Shuruudo Ku Xidhay Inay Abiy Axmed Jubba Ku Kulmaan

Jubba,February 15,2021(Haatufonline)- Guddoomiyaha Golaha Sare ee ka taliya dalka Sudan General Cabdulfataax Al-burhaan ayaa shuruudo adag ku xidhay in isaga iyo Raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku kulmaan caasimadda Koonfurta Sudan ee Jubba.Sida uu sheegay Mr Tut Qalwak oo ah lataliyaha djinaca ammaanka ee madaxweynaha Koonfurta Sudan Silva Kiir .

Shurdaha General Burhaan ku xidhay inuu Abiy Axmed Jubba kula kulmo ee lagasoo wariyey Tut Qalwak waxa kow ka ah im ciidamada iyo beeralayday Itoobiya ay deg deg uga baxaan dhulka Sudan,in heshiiskii 1902 marjaca u noqdo xuduuda oo calaamadihi lagu muujiyex iyo in maamulka xadku hoosyimaaddo dawladda Sudan.

Qalwaq waxa kale uu sheegay in labada hogaamiye ee Sudan iyo Itoobiya ay dhawaan iman doonaanan Jubba oo ay jirto waan waan lagu dhex dhaxaafinaxo inay wadahadlaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*