Latest News

Ethiopia Oo Soo Dhaweysay In Dhexdhexaadin Turkigu Ka Galo Dagaalka Xadka Ee Sudan

Ankara, February 16, 2021 (Haatufonline) – Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso dhexdhexaadinta dowladda Turkiga ay ka geysanayso colaadda dhawaan ka dhacday xadka ay la wadaagto Sudaan, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya maanta oo Salaasa ah.

Danjire Dina Mufti oo wareysi gaar ah siisay wakaaladda Anadolu Agency, ayaa hoosta ka xariiqday in khilaafka xadka Ethiopia iyo Sudan lagu xallin karo qaab diblomaasiyadeed.

Ethiopia iyo Sudan ayaa wadaaga xuduud dhererkeedu yahay 1,600-km (994-mayl), waxaanay khilaaf mudo dheer ahi uu ka taagnaa Saddax xagalka Fashaga, oo ah xuduud tobanaan sano qaadatay oo muran badan ka taagnaa oo aan si adag loo kala xadayn.

Afhayeenku waxa kaloo bogaadiyey xidhiidhka wax ku oolka ah ee ka dhex jira Geeska Afrika in kasta oo arrimaha dhowaanahan lagala hadlayey Sudaan. “Haddii aan la buunbuunin, waxaan hadda xidhiidh weyn oo aanu la leenahay Ereteria, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, iyo Sudaan inkasta oo xaalad aan fiicnayn oo xuduudeed laga abuuray maalin dhaweyd xadka Sudan aanu la leenahay,” ayuu yidhi. Waxaanu sidoo kale ku booriyay guud ahaan gobolka iskaashiga iyo samaynta jawi wada jir ah oo ka hana qaada guud ahaan gobolka. “Xidhriidhka woqooyiga wuxuu isku badalayaa dhinaca wanaagsan. Sikastaba, waxaan u baahanahay inaan iska kaashano arintan,” ayuu sidoo kale xusay. Isagoo ka hadlaya howlgalka ka socda Tigray.

Waxaanu tilmaamay in Itoobiya ay durba bilowday anaya ballaadhisay gargaarka bani’aadamnimo oo la gaadhsiinayo dhammaan gobolka Tigrayga oo dhan. “Illaa iyo hadda, 80% gobolka waa la daboolay. Inta hadhayna ugu dambeyn way furmayaan, Itoobiyana waxay abaabulaysaa kaalmadeeda aaggaas,” ayuu raaciyay Dina.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*