Latest News

Horjoogihii Al-Qaeda Ee Waqooyiga Afrika Cabdelmalek Droukdel Oo La Dilay

Mali, June 6, 2020 (Haatuf) – Faransiiska ayaa sheegay inay hawlgal ka dhacay Mali ay ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Waqooyiga Afrika Cabdelmalek Droukdel.

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska, Florence Parly ayaa sheegtay in Cabdelmalek  Droukdel oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah kooxdiisa Lagu dilay waqooyiga dalka Mali.

Waxaanau intaasi ku dartay in sidoo kale ciidamada Faransiisku ay qabteen Hoggaamiye sare oo ka tirsan Kooxda dawladda Islaamka ee Mali, hawlgal bishii May ay ciidamada Faransiisku qaadeen. “Ciidamadayadu, iyagoo kaashanaya saaxiibadooda ku sugan Sahel, waxay sii wadi doonaan ugaadhsiga aan nasashada lahayn,” ayay tidhi.

Madaxa al-Qaacida ee Maghreb wuxuu mas’uul ka ahaa dhammaan wixii ka dhacay Waqooyiga Afrika wuxuuna sidoo kale Hoggaamiye u ahaa al-Qaacida Sahel, Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).

Taliyihii kooxda la qabtay ee Dawladda Islaamiga ah, ayaa isagana magaciisa lagu sheegay Mohamed Mrabat, wuxuu ahaa jihaad-doon halyeey ah wuxuuna door weyn ku lahaa Kooxda Islaamiga ee the Greater Sahara (ISGS), ayay tidhi Ms Parly, waxaanay intaasi raacisay in la qabtay 19 May.

A man looks at a picture of Abdelmalek Droukdel, aka Abu Musab Abdul Wadud, head of Al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM) seen on US monitoring group SITE Intelligence, on November 19, 2010 in Paris. After Droukdel said in the message on Al-Jazeera television that bin Laden alone could negotiate the release of the hostages snatched by AQIM in the Sahara in September, France said today it was working to authenticate the recording. AFP PHOTO / THOMAS COEX (Photo credit should read THOMAS COEX/AFP/GettyImages)

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*