Latest News

Idaacad War Khaldan Ka Faafisay Qamadi Ay Shirkad Reer Somaliland Ahi Kasoo Iibsatay.

Hargeysa,September 8,2022 (Haatufonline)-Idaacadda Afka Soomaliga ku hadasha ee Ingiriiska laga leeyahay ayaa maanta warbixin been ah ka faafisay markab qamadi ah oo ay shirkadda Alwadaniya ee reer Somaliland kasoo iibsatay dalka Ukreen.Idaacaddan oo caadaysatay inay sii dayso warar been abuur ah ayaa qamadigaasi ku sheegtay inuu yahay macaawimo loo soo raray dalka Somalia ee ay Somaliland jaarka yihiin.Shirkadda Alwadaniya ayaa shir jaraayid oo ay maanta qabatay ku beenisay in qamadigaasi yahay mid lagu gargaarayo dalka Somalia balse u yahay mid ay shirkaddu kasoo iibsatay dalka Ukreen isla markaana uu markabka sida qamadigaasi la filayo inuu soo gaadho dekadda Berbera ee Somaliland badhtamaha bishan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*