Latest News

Igad Oo Sudan U Diraysa Ergo Nabadeed Oo Ka Kooban Madaweyneyaasha Kenya,Djibouti & Koofurta Sudan

Nairobi,April 16,2023(Haatufonline)-Urur goboleedka Igad ayaa dalka Sudan ee dagaalku ka socdo u diraya ergo nabadeed oo isku dayda xabad joojin iyo dhexdhexaadinta labada dhinac ee dirirtu halkaas ku dhex marayso.
Siday sheegeen ilo ku dhaw dhaw madaxtooyda Kenya,ergada ururka Igad waxay ka koobnaan doontaa madaxweyneyaasha Kenya,Djibouti iyo Koonfura Sudan.

Dagaalka ka qarxay dalka Sudan sabtidii shalay ayaa dhex maraya ciidanka militariga iyo ciidanka birmadka ee ay kala hogaaminayaan janaraal Cabdulfataax Al-Burhaan iyo Janaraal Maxamad Xamdaan Xameti.
Labadan janaraal oo xukumayey dalka Sudan kadib markii ay inqalaabeen kalidi taliyihii hore Sudan Cumar Albashiir sanadkii 2019 ayaa hadda maryo dhiig leh kala furtay oo donaya in midba inuu ka kale ka takhaluso oo uu khaarajiyo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*