Latest News

Isbarbar Dhig Awoodaha Militari Ee Labada Ciidan Ee Ku Dhex Dagaalamaya Caasimadda Sudan

Khartoum,April 15,2023(Haatufonline)- Dagaalkii saaka ka bilaamay dalka Sudan ee u dhaxeeyey Militariga iyo Ciidamada Birmadka ayaa caawa xoogaystay iyadoo dhawaaqa hubka culus ee la isku ridayo laga maqlayo dhammaan qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay caasimadda Sudan ee Khartoum sida Khartoum Baxri iyo Um Durmaan.

Labada ciidan waxa kala hogaaminaya guddoomiyaha golaha sare ee militariga ee xukuma dalka Sudan janaraal Cabdulfataax Al-burhaan iyo ku xigeenkiisii Janaraal Maxamad Xamdaan Xemeti.
Dagaalkan ayaa ka dhashay ciidamada Birmadka ee uu hogaamiyo Xemeti oo diiday in lagu daro militariga.
Ciidamada Birmadka ayaa lagu qiyaasa boqol kun oo ku gaashaamsn toban kun oo gaadhi oo qoryo saaranyihiin halka ciidanka militarigu ka koobanyahay 150,000 konton kun oo ka mid ahi yihiin ciidan kayd ah oo marka loo baahdo uun loo yeeho. Hubka ciidanka militarigu waxa lagu qiyaasaa 190 diyaaradood oo 82 ka mid ahi yihiin kuwo dagaal,25 kuwa alaabta qaado ah iyo 12 kuwo tababar ah iyo 45 helikobtar.Militarigu waxa kale oo uu haysta 170 taanki todobo kun oo gaadiid dagaal ah ,289 madaaficda la jeedo ah iyo 20 madfac oo kuwa iyagu iswado ah,40 BM iyo 15 markab iyo doonyo dagaal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*