Latest News

Imaaraatka Iyo Somalia Oo Iska Kaashanaya Dhinacyada Beeraha Iyo Ganacsiga Iyo Gargaar La Gaadhsiiyey 8200 Qoys Oo Reer Jubaland Ah.

Muqdisho,December) 25,2022(Haatufonline)-Kulan shalay dhexmaray safiirka dawladda  Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiya Muqdisho iyo wasiirka Beeraha ee Somalia Siciid Xuseen Ciid ayaa labada masuul waxay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal gaar ahaan horumarinta beeraha.
Safaaradda Imaaraatka laftarkeeda ayaa faafaahin ay ka bixisay kulankaa oo ay soo dhigtay barta ay Twitter-ka ku leedahay waxay ku sheegtay in safiirka iyo wasiirku isku afgarteen in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyada beeraha,maalgashiga gancasiga iyo dhaqaalaha.

Somalia iyo Imaaraatka ayaa waxa ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi oo weyn iyadoo ay dalka Imaaraatka ay xarumo iyo wakiilo ku leeyihiin shirkado ganacsi oo badan iyo xawaalado Soomaalidu leedahay. Hasa yeeshee xidhiidhka labada xukuumadood ee Somalia iyo Imaaraatka ayaa xumaaday laga bilaabo bishi April 2018 kadib markii ay ciidamada sirdoonka Somalia ee madaarka Muqdisho ay hab sharciga iyo xasaanadda diblomaasiyadeed baal marsan ay ula dhaqmeen diyaarad Imaaraatku leedahay iyo safiirkii hore Imaaraatka u fadhiyey Muqdisho.Ciidanka Sirdoonka ayaa xoog kula wareegay lacag lagu qiyaasay 10 milyan oo doolar oo diyaaradu sidday oo aheyd mushahar ay dawladda Imaaraatku siinjirtay ciidan ay Xamar ku tababaraan iyo ciidanka badda ee Puntland.
Waxase bilahan u dambeeyey soo wanaagsanaanayey xidhiidhka labada dawladood iyadoo raiisalwasaaraha Somalia Xuseen Rooble uu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo uu ku hagaajinayo xidhiidhkii u dhaxeeyey labada dal.

Laakiin waxa xusid mudan in aanu marnaba kala go’in macaamilka ganacsi iyo xidhiidhka dadweyne ee u dhaxeeya Somaalida iyo dalka Imaaraata Carabtu.Waxa kale oon istaagin mucaawimooyinka ay dawladda Imaaraatku u fidiso dadka tabaalaysan ee ku nool meelo kala gedisan oo ku yaala gobolada Somalia.Tusaale ahaan dawladda Imaaraatku iyadoo ka jawaabaysa codsi qaylo dhaan oo uga yimid dhinaca Jubaland waxay mudadi u dhaxaysay bishi November iyo December 2021 gargaar gaadhsiisay 8200 qoys oo aabaaruhu si xun u saameeyeen oo ku nool degmooyin iyo tuulooyin kala duwan oo ku yaala Jubaland oo ay kass mid ahaayeen Dhoobley,Afmadow,Raaskambooni,Buur Gaabo,Qooqane,Dhuyac Garoon,Madhawa,Kudhaa,Kulbiyow,Xaya,Taabta,Diif,tuulooyiin ku yaala waqooyiga iyo galbeedka Kismaayo iyo qoysas agoomo ah oo ku nool Kismayo.

Connect with us on Facebook