Latest News

Ciidamada Eriteriya Kasoo Noqonaya Waxa Ka Mid Ah 2000 Loo Tababaray Basaasnimada Iyo Dilalka Qorshaysan

Muqdisho,January 24,2022(Haatufonline)-Waxa la filaya in dhawaan dalka Somalia lagu soo celiyo ciidan muddo warkiisa la la’aa oo ay xukuumadda Somalia tababar ahaan ugu dirtay dalka Eriteriya .Ciidanka oo dufcadi u horaysay loo duuliyey Eriteriya markay aheyd dabayaaqadi sanadki 2018 ayaa ka koobnaa ilaa 10 kun oo dhalinyaro ah oo badankoodu ka soo jeedeen qabaailka Mareexaan,Dhulbahante,Digil iyo Mirifle,Jareerweyn iyo dadka laga tirada badanyahay.

Ciidankan ayaa dida laga warqabo ka qaybqaatay dagaaladi dabayaaqadi 2020 ka bilaabmay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya waxaana la sheegay in 7000 ka hadhay bishan soo socota la keeni doono Somalia

 

Hadaba ciidanka Eriteriya ka imanaya ayaa siday saraakiil xogogaal ahi sheegeen waxa ku jira qaar hawlaha basaasnimada iyo fulinta dilalka qarsoon loo soo tababaray oo tiradoodu gaadhsyso ilaa 2000 iyadoo qaar ka mid ah ciidankaasi ay adeegeyaal u noqon doonaan Sirdoonka Eriteriya .Waxa kale oo ka mid ah ciidan badeed oo wata doonyaha dheereeya oo ay dawladda Qadar  bixisay lacagti lagu soo iibiyey.Ciidanka intiisa kale waxa loo qorsheeyey in lagu baneeyo jidka isku xidha Muqdisho iyo Baydhaba oo hadda gacanta ugu jira ururka Alshabaab.Mushaharka ciidanka waxa kafaalo qaaday dawladda Qadar waxaana askariga la siin foonas $300 bishii.

 

Connect with us on Facebook