Latest News

Imaaraatka Carabta Oo Noqotay Dawladi Ugu Horaysay Ee Soo Ajiibta Baaqii Gudida Abaaraha Ee Somaliland

Hargeysa,January 29,2022(Haatufonline)-Waxa shalay garoonka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa soo gaadhay mucaawino 40 ton oo gargaarka deg deg ah oo ay Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabtu ugu deeqday dadka ay saamaysay abaarta ba’an ee ka taagan qaybo badan oo ka mid ah dhulka Jsmhuuriyadda Somaliland.

Kaalmadan oo ka koobneyd raashin nooca gargaarka degdeg ah ayaa waxay sidday diyaarad xamuul ah waxana  madaarka kaga hortagay safiirka Imaaraatka u jooga Somaliland Danjire Csbdslla Alnaqbi iyo masuuliin ka socday hayadda U Diyaargarowga Aafooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland iyo Gudida Abaaraha.

Sheekh Siciid Cabdi Gaboobe oo ka tirsan hayadda u diyaargarowga aafooyinka ayaa si balaadhan ugu mahadceliyey madaxda iyo shacbiga dalka Imaaraatka ee mucaawimada usoo fidiyey dadka reer Somalilabd ee aabaaruhu saameeyeeyn waxaanu Sherkh Siciid sheegay in Imaaraatka Carabta ayaa noqonaysa dawladdi ugu horaysay ee soo ajiibta baaqii ay Gudida Abaaraha Somaliland usoo jeedisay caalamka in lala soo gaadho mucaawimo lagu taakuleeyo bulshada ay abaaruhu ku habsadeen.

Connect with us on Facebook