Latest News

Milatariga Somalia Oo Sheegay Inay Dileen 28 Dagaalyahan Oo Al-shabaab Ka Tirsan

Balcad, Januayo 29, 2022 (Haatufonline) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen 28 ka tirsan  dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib howlgal ciidan oo socday siddeed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay, kaas oo ka dhacay gobolka Shabeelada dhexe.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulooyinka Mareerey, Mukay-dheere, Shaalow iyo Yaqle, oo dhammaantood dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo khadka taleefanka kula hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu. Sarkaalkan ayaa sheegay in Jimcihii uu dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Milatariga iyo kuwa Al-Shabaab kadib markii Alshabaab ay weerar ku qaadeen tuulada Mukay-dheere oo sidoo kale ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.
Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saalax Yacquub ayaa warbaahinta u xaqiijiyay howlgalkaasi, in ay ku dileen 28 ka tirsan Alshabab, islamarkaana ay burburiyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo badan geysay gobolka Shabeelada dhexe, kuwaas oo ka hortagaya inay Alshabaab carqaladayso amniga doorashada golaha shacabka ee ka dhacaysa degmada Jowhar.

Connect with us on Facebook