Latest News

Imaaraatka Oo Soo Xidhaya Saldhigii Uu Ku Lahaa Dalka Eritrea Qalab Iyo Hub Yaalayna Ka Rartay

Casab,February 18,2021(Haatufonline)-Dawladda Imaaraatka ayaa ka guuraysa saldhigii ciidan ee ay ku laheyd magaalada dekadda ah ee Casab ee ku taala dalka Eritrea isla markaana bilowday inay furfurto qaybo ka mid ah dhismeyaashii iyo qalabkii milateri ee halkaas u yaalay iyadoo ay ku raratay maraakiib iyo diyaaradaha xamuulka qaada ee ciidamadu isticmaalaan.

Warbixin dheer oo ay wakaalada wararka ee AP maanta ka qortay arintan ayaa waxay ku sheegtay inay heshay sawiro dayax gacmeedyo lagu qaaday oo muujinaya qalab laga rarayo dekad ku dhajisan saldhiga iyo dekaddaas lafteeda oo madhan oo aanay jirin wax maraakiib iyo qalab ah oo ku xidhani.Waxa kale oo ay wakaaladdu heshay muuqaalo dhismeyaal la furfurayo.

Imaaraatka ayaa saldhiggan ka dhisay xeebta Casab sanadkii 2015 kadib markii u dagaalku ka bilaabmay dalka Yeman,waxaanay Imaaraatku saldigaasi kaga duuli jireen ciidamada Xuutiyiinta iyadoo ay halkaas ka dhiseen madaar 9 kilomitir iskuweer ah oo leh dhabe dherarkiisu yahay 3.5 kilomitir,dekad , xeryo ciidan iyo cusbitaal casri ah oo lagu daweeyo askarta kusoo dhaawacma dagaalka Yeman.Waxa yaalay taankigayada Faransiiska lagu sameeyo ee loo yaqaano Leclerc,madaafiicda goobta GS,diyaaradaha dagaalka,iyo gaawadhida badda iyo barigaba marta iyo qalab kale oo kala duwan.Waxa saldhiga u hoyan jiray ciidamo reer Yeman iyo Sudan ah oo loo duulin jiray goobaha dagaalka ee Yeman.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*