Latest News

Iran Oo Baroor-Diiqaysa, Wacadna Ku Martay Inay U Aargudi Doonto Taliye Qassem Soleimani

Tehran, (Haatuf) – Dilka taliyahii ugu sareeyay Iran ee Qassem Soleimani oo weerar cirka ah oo Maraykanku qaaday lagu dilay ayaa kiciyay mowjado cadho ah isla markaana keentay jawaab celin wadajirka iyo aargudash ay sheegeen inay samayn doonaan, xili kala qaybsanaan siyaasadeed ay Iran ka jirtay.

Qassem Soleimani, ayaa ahaa Taliyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Islamic Revolutionary Guard Corps ‘(IRGC) ee Quds Force, waxaanu ahaa nin saamayn ku leh gobolka, kaas oo xili hore oo maanta oo Jimce ah lagu dilay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baqdaad weerar duqeyn ah oo uu amray Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Khamenei wuxuu amaanay Taliyaha la dilay, isagoo sheegay in loo aargudi doono. Waxaanu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo lagu sharfayo Soleimani, oo si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka labaad ee ugu awoodda badan Iran.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa ku celceliyay halista aargudashada wuxuuna wacad ku maray in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto. Wasiirka Arimaha Dibada Javad Zarif ayaa dhalleeceeyay dilka “ficil argagixiso dowladeed” bayaan uu soo saaray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*