Latest News

Maraykanka oo Duqayn Ku Dilay Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran

Baqdaad, (Haatuf) – Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq ka tirsan.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay

Gantaal ayaa lagu soo waramayaa in uu kololyadooda kula dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay.

Weerarkan dhinaca cirka ah ee lagu dilay General Qassem Soleimani ayaa waxa amray Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Hase yeeshee Hoggaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Khamenei wuxuu amaanay Taliyaha la dilay, isagoo sheegay in loo aargudi doono. Waxaanu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo lagu sharfayo Soleimani, oo si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka labaad ee ugu awoodda badan Iran.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa ku celceliyay halista aargudashada wuxuuna wacad ku maray in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto. Wasiirka Arimaha Dibada Javad Zarif ayaa dhalleeceeyay dilka “ficil argagixiso dowladeed” bayaan uu soo saaray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*