Latest News

Isu Soobax Kun Qof Oo La Siiyo Min $50, Basbaas Ay Booliska Indhaha Kaga Shubaan Iyo Iskarogo Taayiro Ah

Hargeysa,August 3,2022(Haatufonline)-Mudaaharaadka u ururka Wadani qabanqaabinayo ayaa waxa kasoo baxaya tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo qaban doono.

Siday madaxda ururku qorsheeyeen waxa mudaaharaadka loogu talo galay inay bilaabaan kun qof oo lasii diyaariyey kuwaas oo min konton doolar qofkiiba la siiyey isla markaana loosoo dhiibay xidhmooyin basbaas ah oo ay booliska indhaha kaga shubaan iyo qasacado rinji ah oo baabuurta booliska muraayadaha kaga buufiyaan.

Waxa kale oo qorshaha ku jira gaadhi iska rogo ah oo taayiro la gubo iyo masaabiir wadooyinka ku daadinaysa.

Qaybta ugu khatarsan qorshahan ayaa waxay ka koobantahay sidii loo samayn lahaa iska horimaad dhiig ku daato si ay xukuumaddu uga noqoto doorashada ururada iyadoo ku talogalku yahay in rasaas lahg rido booliska si ay mashaqo u dhacdo oo markaas ay mucaaridku beesha caalamka ka dalbadaan in lasoo dhexgalo iyaga iyo xukuumadda Somaliland.

Connect with us on Facebook