Latest News

Jaaliyadda Somaliland Ee Canada Oo Shaaciyey Dibadbaxyo Lagu Muujinayo Qadiyadda Dalka

Toronto, August 24, 2020 (HaatufOnline) – Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Canada, ayaa la filayaa inay dhowaan sammeeyaan isu soo baxyo waaweyn oo ay ku muujinayaan Qadiyada Gooni isu taaga Somaliland iyo madaxbanaanadeeda.

Jaaliyadda Somaliland ee ku nool, Canada ayaa laga dareemaya Abaabulka iyo diyaar-garow Mudaharaadada isu soo baxyada dawlada Canada loogu muujinayo in aanay Somaliland kamid ahay Somaliya, isla markaana tahay qaran Madaxbanaan.

Sidoo kale, waxa Mudaharaadada taageero lixaadleh loogu muujinaya Saaxibtimada Dawladaha Somaliland iyo Taiwan iyo weliba Xidhiidhada kalee Somaliland la leedahay Dawladaha kala duwan ee Qaranka Somaliland la saaxib ah.

Geesta kale, Guddida qaban-qaabada isu soo baxa lagu Taageerayo qaranimada Somaliland, waxay ogaysiinaysa Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Canada, gaar ahaan Toronto, inay si weyn isagu soo baxaan taageerada loo muujinayo qadiyada gooni isu taaga Somaliland inay iso soo baxaan 1-da October, saacaddu markay tahay Sagaalka Subaxnimo, oo loo asteeyey inuu dhaco Mudaharaadka.

Si kastaba ha haatee Mudaharaadadan, ayaa noqon doona kuwo indhaha caalamka lagu tusaayo muwqifka gooni isu taaga Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*