Latest News

Jaaliyadda Yeman Oo Ku Guulaysatay Dimqraadiyaddi Ay Somalia Ku Fashilantay Oo Hoggaan Cusub Si Xor Oo Xalaal Ah U Doortay

Hargeysa,August 15 ,2021(Haatufonline)-Jaaliyadda Yeman ee ku nool dalka Somaliland ayaa ku guulaysatay inay hirgaliso dimuqraadiyadi  uu dalka Somalia ku fashilmay mudo 30 sano ah in uu ku dhaqmo kadib markii ay xubnaha Jaaliyaddoodu si xor oo xalaal ah ugu doorteen gole cusub oo ka kooban 11 xubnood oo Jaaliyadda hogaamin doona sadexda sanadood ee soo socda iyo waliba guddi ka kooban 5 xubnood oo musdambeedka goleha hoggaaminta noqon doona.

Doorashadan goleha hogaaminta Jaaliyada ayaa waxa ku tartamay 21 murashax halka 9 murashax ay u tartameen gudida musdambeedka waxaana codbixiyeaasha oo ka kala yimid magaalooyinka Somaliland loo dhigay xarunta Jaaliyadda ee Hargeysa sanaadiiq ay waraaqahooda codaynta ku ridaan iyadoo codayntu socotay 6da subaxnimo ilaa 6da fiidnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo uu wehelinayo Siciid Cabdi Gaboobe oo ka tirsan hawlwadeenada wasaaradda Daakhiliga ayaa habeenimadi soo maray goobti lagu tirinayey codadka ka hor intii aanay soo bixin natiijaddi codbixintu waxaanay dabadeed la kulmeen qaar ka mid ah murashaxiintii ku tartamay doorashada kuwaasoo xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay taageeridii ay Jaaliyada u fidisay si ay u qabsadaan doorashadoodan.

Murashaxiinta oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay sheegeen inay habka dimuqraadiga ah ee ay Jaaliyaddu usoo agaansintay doorashadan ay kaga daydeen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay oo ay wax badan ka barteen.Waxa kale oo ay sheegeen inay aheyd markii ugu horaysay noloshooda ee ay murashaxiinta iyo codbixiyeyaashuba ka qaybgalaan doorosho xor oo xalaal ah .

Waxaseh xusid mudan in dhamaan murashaxiintii dumarka ahaa ay ku guuldaraysteen doorashadan taasoo codbixiyeyaasha Jaaliyada reer Yeman kala mid dhigaysa kuwa Somaliland oon codkooda siinin murashaxiinta dumarka ah.

 

 

Connect with us on Facebook