Latest News

Sheekh Damcay Inuu Heshiisiiyo Daacish Iyo Alshabaab Oo Lasoo Qabtay Isagoo Usii Jeeda Buuralayda Galgala

Ceerigaabo,August 17,2021(Haatufonline)-Ciidamada ammaanka we Somaliland ayaa dhawaan gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsanyahay arimo la xidhiidha argagixisnimo oo la yiraahdo Sheekh Maxamed Ismaaciil oo inta badan lagu yiqiin inuu ka hadlo arimaha jinka iyo sixirka.

Siday ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Haatufonline u sheegeen Sheekhan ayaa waxa laga soo Qabtay magaalada Ceerigaabo isagoo kusii jeeda buuraha Galgala si u u heshiisiiyo labada urur ee Alshabaab iyo Daacish oo baryahanba isku hayey deegaano ku yaalla Puntland.

Maxamed Ismaaciil ayaa sidan oo kale sanadkii 2006 Hargeysa loogu xidhay falal argagixinimo ah oo uu hawlahii qorsheyntooda ka qaybqaadanayey,waxaanu isagoo jeelka ku Xidhan maalgaliyey cajalad video ah oo lagu sheegayo in xabsiga lagu dhex jidhdilay.Cajaladdan ayaa ka hor intii aan la ogaan inay been abuur tahay sababtay in Maxamed Ismaaciil loo mudahaarado oo khalkhal iyo xasilooni darro dalka la dhex abuuro.

Sheekhan ayaa maxkamad horteeda lagaga cadeeyey dambigi loo haystay waxaana lagu xukumay ciqaab xadhig dheer ah. Hasayeeshee sanadkii 2011 ayaa culimo is-abaabushay cafis u weydiiyeen xukuumaddi xiligaas Jirtay waxaana la sii daayey bishi August 2011 iyadoo aanu wax cudur daar ah ka samaynin dambiyadii uu dalka iyo dadkaba ka galay.

Connect with us on Facebook