Latest News

Jabhadda Tigrayga Oo Soo Bandhigtay Askar Laga Qabtay Ciidanka Eritrea Oo Soomaali Ku Jirto

Waqooyiga Tigray,March 8,2021(Haatufonline)-Jabhadda TPLF ayaa labadi maalmood ee u dambeeyey soo bandhigtay askar Ereteriyaan ah oo ay ku qabteen dagaalo dhawaan Jabhadda TPLF iyo ciidamada Eritrea ku dhexmaray waqooyiga gobolka Tigray .
Maxaabista dagaal ee Jabhadda Tigraygu dadka tuseen ayaa sida la sheegay waxa ku jiray wiilal Soomaali ah oo loo malaynayo inay ka mid ahaayeen dhalinyaradi ay xukuumaddii Farmaajo u dirtay Eritrea si ay usoo qaataan tababar ciidan.Dhalinyaradan oo markii hore lagu dhoofiyey in la gaynayo dalka Qadar ayaa tiradooda lagu qiyaasay 3000 ilaa 5000 iyadoo ka dib markii ay tababarkii dhamaysteen qaar ka mid ah loo qaaday gobolka Tigray ee dagaalku ka socdo si ay uga barbar dagaalamaan ciidanka Eritrea.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*