Latest News

Jilaaga Caanka Ah Ee U Dhashay Dalka Britain Mr Idris Elba Oo Shaaciyey Inuu Haleelay Caabuqa Coronavires

London, March 17, 2020 (W.wararka) Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka Britain Idris Akuna Elba ayaa qoraal iyo muuqaal wada socda oo uu baraha bulshadda ku baahiyey ku sheegay in laga helay

 caabuqa Coronavirus kaddib markii la baadhay.
Mr Elba waxa uu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay imika aad u wanaagsan tahay isla markaana uu is-karantiiley, isagoo wakhtigan uu muuqaalka iska soo duubay ay la joogtay xaaskiisa Sabriina Dhoore oo ah haweenay Soomaaliyad ah, ayaa sheegay in cudurka uu iska baadhay ka dib markii uu Jimcihii la kulmay qof horey loogu arkay caabuqa Coronavires-ka.

Jilaagan ayaa sidoo kale tibaaxay inaan xaaskiisa Sabriina Dhoore laga baadhin cudurka, isla markaana ay xaaladeedu wanaagsan tahay, isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ka mid ahaa “Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baadhay, waxaan maanta helay natiijada, waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo”.

Dhinaca kale Idris Akuna Elba waxa uu ka codsaday taageerayaashiisa inay feejignaadaan, “Haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baarto, marka waa in aad wax iska qabataa”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*