Latest News

Jonathan Starr, Asaasihii Dugsiyada Abaarso oo Islaamay.

Sh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray

Hargeysa,September 26,2022

Waxa Ilaahay mahadii ah in Jonathan Starr oo ah qof aad u karti badan, aqoonyahanna , jecel dalkan Jamhuuriyadda Somaliland iyo bani aadamnimadaba oo gacan wayn ka gaystay in ubad reer Somaliland ah uu u diro jaamacadaha caalamka ugu qaalisan uguna tayada roon sida: ( Harvard, MIT, Yale) IN UU ISLAAMO.
Waalidiin badan ayaa hanuun uugu duceeyay Ilaaahayna waa uu ka aqbalay.(Ubadka jaamacado kala duwan oo caalamka ku baahsan oo dibada ah loo diray waa ilaa 150)

Ma jiro dad, ama qoomiyad, ama cid Ilaahay ay tol yihiin oo Abtirsiini ka dhaxaysaa. Qof maanta soo Muslimay ayaa janada uga dheerayn kara qof abtirsiin islaam ah lahaa.
Bah waynta Abaarso dadka jecel dalkan JSL magaciisa, dad badan oo akhyaara oo ka dhiidhiyay dadkii doonayay duminta dugsiyada abaarso, ubad iyo waalidiin aad loo dhibay, waxaan u dirayaa bushaaradan. Waxanan rajaynayaa in uu horseed u noqdo in dad badan oo kale iyo macalimiini ay diinteena wanaagsan ee islaamka soo galaan. Waxaan xusuustaa, madaxwayne Muse Biixi oo ka qayb galay dufcadii u horaysay ee Jaamacada Barwaaqo ka qalin jabisay hadal uu yidhi: “waar dalkiinii baa joogtaan eh , maxaa la baqaysaan, maa idinku diinta Islaamka uugu yeedhaan ” .

Tolow maantana ma waxa ay odhan anakaa Ilaahay tol ah, ee iyagu hoosta ayay gaal ka yihiin oo khiyaamo ayay wadaan. Qofka abuur ahaan wanaagsan ee dadka Ilaahay abuuray wanaaga la jecel Ilaahay ma hoojiyo.
TAKBIIR, TAKBIIR. ALLAHU AKBAR ALLAHU AKBAR.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*