Latest News

Jubbaland Oo Soo Dhaweysay Eryida Wakiilka Midowga Afrika Ee Somalia

Kismaayo, April 8, 2022 (Haatufonline) – War qoraal ah oo ka soo baxay Maamul goboleedka Somalia Ee Jubbaland ayaa lagu taageeray talaabadii Raysal Wasaaraha Somalia uu ku Eryey Wakiilka Midawga Afrika ee Somalia Francisco Madeira.

Waxaanay Jubbaland ku tilmaantay Eriga Wakiilkaasi go’aanka masiiri ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaadhay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arrimaha gudaha Somalia, isla markaana uu ku xadgudbay xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyadda kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Maamul Goboleedka Jubbaland, waxaanu intaasi ku daray “Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dilaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasadda gudaha ee dalkeenna isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasadda ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Francisco Madeira, waxa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubbaland isagoo ka hor yimid heshiiskii Dowladda Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinkii 2019ka ee Jubbaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubbaland aan xal looga gaarin.

Sidoo kale waxa uu in muddo ah ka caga jiidayay howlgallada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM, sagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha Argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummadda inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.

Connect with us on Facebook