Latest News

“Walaaltinimo,Ixtiraam Iyo Ganacsi Xalaal Ah Ayaa Naga Dhexeeya Somaliland” PM Abiy Axmed

EBS TV,Silver Spring,April 8,2022(Haatufonline)- Raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waraysi uu siiyey telefishanka EBS ee Af Axmaariga wax ku tabiya
waxa uu kaga hadlay xidhiidhka u dhaxeeya dalkiisa iyo Somaliland,gubashadi Suuqa Waaheen iyo dekadda Saylac.

Ugu horayn hogaamiyaha Itoobiya isagoo ka hadlaya xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Somaliland waxa uu yidhi”Somaliland waxa naga dhexeeya walaaltinimo,ixtiraam iyo ganacsi xalaal ah”.
Waxa kale oo uu sheegay inuu wasiiradiisa ugu sareeya u diray Hargeysa si ay usoo eegaan khasaaraha suuqa Waaheen ee gubtay isla markaana ay Itoobiya qayb weyn ka qaadan doonto dibu dhiska Waaheen kharash ahaan iyo dhinaca dhisidda suuqaba.

Mar uu telefishanku wax ka weydiiyey warar dhawaan lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in Itoobiya ay danaynayso dekadda Saylac waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi:
“Waxa January 18, sanadkan 2022 aanu ku kulanay Addis Ababa madaxweynaha Somaliland H.E Muse Bihi, waxa aan u sheegay in cadawgeenu uu doonayo in aan colowno, oo aan kala xidhanno xadka, laakiin taasi ma dhacayso.Saylacl waa magaalo ku taala Somaliland, waxa ay ahayd Somaliland, waxa ay tahay Somaliland, waxana ay ahaan doontaa Somaliland”.
Abiy Axmed waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi: “Waxa aan doonayna in aan hindisno tareen u kala goosha Berbera iyo magaalooyinka Itoobiya oo ay ugu horayso Addis Ababa, si aan uga faa’iidaysano ganacsiga ay abuuri doonto dekeda Berbera”

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi, oo ay waraysatay Idaacadda VOA Somali isaga oo jooga Washington D.C bishii March ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la yaabay qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada kuwaas oo sheegayey in ciidamada Itoobiya ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan magaalo- xeebeedka Saylac.

Connect with us on Facebook