Latest News

Kenya Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay Maxaabiis Ka Baxsatay Xabsi Oo Lala Xidhiidhinayo Al-shabaab

Naitobi, November 18, 2021 (Haatufonline) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib gacanta ugu dhigtay saddex maxbuus oo loo heesto falal la xiriira argagixisanimo oo Axadii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti ee ku yaalla Nairobi.

Raggan ayaa waxaa xilliga la qabanayey la sheegay in ay doonayeen inay usoo baxsadaan dhinaca Soomaaliya, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya.

Saddexda nin oo uu mid ka mid ah yahay Soomaali ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Abiikar, Musharraf Abdalla iyo Joseph Juma.

Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa isna loo heestaa inuud doonayey ku biirista kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo sidoo kale wadanka Kenya.

Si kastaba, eedeysanayaasha ayaa haatan loo soo gudbin doonaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, si dib loogu celiyo xabsiga.

Connect with us on Facebook