Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyey Berbera

Berbera, November 18, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabnimadii maanta socdaal ugu ambabaxay Magaalada Berbera.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayo inuu xadhiga ka jaro mashaariic laga hirgaliyey gobolka Saaxil oo uu ka mid yahay Madaarka Caalamiga ah ee Berbera International Airport oo dib u habayn balaadhan iyo casriyeyn lagu sameeyey.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii uu gaadhay Berbera waxa duleedka magaalada ku soo dhaweeyey Masuuliyiin iyo shacab uu horkacayo Duqa Magaakada Berbera Cabdishakuur Cidin.

Connect with us on Facebook