Latest News

Khubaro ka digay hawlagallo dhinaca badda ah oo ay iska kashanayaan Xuutiga,AQAP iyo Alshabaab

Haatufonline February 23,2026

Warbixin dhawaan kasoo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimisay isbeddel weyn oo ku yimi xidhiidhka u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo faraca Alqaacida ee Yemen(AQAP), xidhiidhkaas oo sida lagu sheegay warbaxinta haatan ka gudbay “isku-beegsi danaha ku meel gaadhka ah” una gudbay “iskaashi istaraatiiji ah” oo ay ka mid yihiin maalgelin iyo qorshaynta hawlgalo militari oo dhulka ah.
Warbaxintu waxay ka digtay in faraca Alqaacida ka faa’iidaysanayo firaaqa amni si uu dib ugu dhiso saamayntiisa gobolka.

Warbixintan oo ay diyaarisay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan “Falanqaynta iyo La-socodka Cunaqabataynta” ee Golaha Ammaanku,waxa kale oo ay sheegtay in isu-duwidda hawlgallada labada dhinac ay si walaac leh u kordheen. Waxay tilmaantay in bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay ka dhaceen kulan-hoosaadyo sir ah oo lagu qabtay Soomaaliya, kuwaas oo isu keenay hoggaamiyeyaal Xuutiyiin ah iyo xubno ka tirsan AQAP iyo kooxda Al-Shabaab, ujeeddaduna ahayd in la sameeyo cutub hawlgaleed wadajir ah oo ka dhex shaqeeya shabakad qaabilsan hawlaha saadka iyo taakulaynta oo ku fidsan Gacanka Cadmeed.

Sida warbixintu sheegtay, Golaha “Shuurada” ee ururka Alqaacida ayaa ka dooday qorshayaal la xidhiidha weerarro dibadeed, kuwaas oo ay ku jireen in la aas-aaso unug gaar ah oo hawlgallada badda ah; in xubnaha lagu tababaro isticmaalka doonyaha aan cidina wadin; iyo in la horumariyo awoodda ay u leeyihiin adeegsiga walxaha qarxa ee dareeraha ah. Warbixintu sidoo kale waxay xustay in faraca a Alqaacida ee Yemen ay ku jiraan xubno ku hadla afka Urduuga, iyadoo ka digtay khatarta sii kordhaysa haddii xaaladda amni ee dalkaasi sii xumaato.

Dhanka kale, cilmibaadhe ku takhasusay arrimaha kooxaha xagjirka ah oo lagu magacaabo Caasim Al-Sabri ayaa sheegay in “isu adeegista” u dhaxaysa Xuutiyiinta iyo Alqaacida ay ku socoto laba heer. Heerka koowaad, ayuu yidhi, waa iskaashi ku salaysan ujeeddooyin gudaha ah oo la xidhiidha beegsiga ciidamada dawladda Yemen ee la aqoonsanyahay iyo ciidamada amni ee ka jira gobolada laga xoreeyey Xuutiyiinta, isla markaana la bartilmaameedsado joogitaanka ciidamada isbahaysiga Carabta ee Sucuudigu hogaamiyo, taasoo abuurtay fursado hawgallo militari oo wada jir loo fuliyo.

Heerka labaad, Al-Sabri waxa uu ku xidhay isku-duwid ballaadhan oo uu sheegay in hoggaanka caalamiga ah ee ururka Alqaacida gacan ka gaysanayo. Sida uu sheegay khabiirku hogaamiyaha guud ee Saifal Cadal oo ku sugan xarun uu ururku ku leeyahay Iran in uu door muuqda ka qaadanaya jihaynta dhaqdhaqaaqyada Alqaacida ee dunida. Al-Sabri waxa uu tilmaamay in astaamaha iskaashigan soo koraya ee Xuutiyiinta iyo Alqaacida ay sannadihii u dambeeyey ku jireen taageero dhinaca dhaqaalaha iyo taakulaynta saadka ah, is-weydaarsi maxaabiis, iyo in hoggaamiyeyaasha Alqaacida lagu daweeyo isbitaallada Sanca ee Xuutiyiintu maamulaan, taasoo ah caddeyn muujinaysa in xidhiidhku gaadhay heerar sare oo isku-dhafan.

Sidoo kale, falanqeeye milatari oo lagu magacaabo Korneyl Mohsen Al-Khader ayaa ka digay in dadaallada lagu dhisayo unug fuliya hawlgallo dhinaca badda ahi ay ka tarjumayaan isbeddel adag oo ku yimi habdhaqanka faraca Alqaacida ,kaasoo laga cabsi qabo inuu ka beddelo ururka “koox maxalli ah” una rogo “koox ka tallaabta xuduudaha” oo ka soo dhaqaaqda Yemen.

Al-Khader waxa uu sheegay in awoodda maalgelinta oo korodhaa ay Alqaacida siinayso dabacsanaan ay dib ugu dhisto shabakadaha, una soo jiidato xubno cusub, iyadoo ka faa’iidaysanaysa daloollada amni ee ka dhashay kala qaybsanaanta dawladda Yemen iyo badnaanta xarumaha go’aan qaadashada, iyo sidoo kale hoos u dhaca firfircoonidii hawlgallada Ciidamadii Yementa koonfureed (STC) oo door weyn ku lahaa burburinta isku-uruursiga faraca Alqaacida xilliyadii hore.

Falanqeeyayaal ayaa ku soo gunaanaday in jawiga amni ee dildilaacsan ee dhinaca dawladda sharciga ah ee Yemen iyo kordhka ku yimid calaamadaha iskaashiga Xuutiyiinta iyo Alqaacida ay halis jiritaan ku ahayn Yemen oo keliya, balse ay khatar ku tahay amniga dalalka jaarka oo dhan, taasoo u baahan tallaabo caalami ah oo degdeg ah si loo xidho meelaha bannaan ka hor intaanay kusii xoogaysan kooxaha argagixisada ee isbahaystay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*