Latest News

Kolanyadii Ugu Horaysay Ee Shixnad Gargaar Ah U Sida Gobolka Tigrayga Oo Gaadhay

Addis Ababa, December 12, 2020 (Haatufonline) – Kolanyadii ugu horaysay ee sida Gargaar u socda gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia oo dagaal ka bilaabmay bishii la soo dhaafay ayaa maanta gaadhay caasimada Mekele.

Gargaarkan oo ay isku soo dubariday hay’adda Laanqayrta Cas oo gaadhaya todoba gaadhi oo xamuula ayaa isugu jira Dawooyin iyo Qalabka Caafimaadka loo isticmaalo, kaas oo noqonaya kii ugu horeeyey, oo ay aad ugu baahan yihiin dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia oo la tilmaamay in 400 qof oo ku dhaawacmay dagaalka oo ku sugan magaalada Mekele inay u baahan yihiin dawooyin.

Patrick Youssef, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC ee Afrika, ayaa sheegay in sahaydu ay “yareyneyso go’aammada kala soocidda aan macquul ahayn ee nolol ama geeri” ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee magaalada Mekele oo toddobaadyo u adkeysanayay biyo la’aan iyo koronto la’aan, iskaba daa dawooyinka muhiimka ah.

Caasimada gobolka Tigrayga ee Mekele oo ay ku nool yihiin dad nus milyan qof ka badan ayaa ka go’nay inuu gaadho gargaar dibada uga yimaada, tan iyo markii dagaalku ka qarxay 4 bishii November.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*