Latest News

Koox Odeyaal Ah Oo Aaminsan In Laascaanood Aanay Somaliland Ka Tirsanayn Oo Muqdisho Ka Soo Ambabaxay Iyagoo Iska Dhigaya Ergo Dhexdhexaadin Ah

Garoowe, March 25, 2023 (Haatufonline) – Odayaal ka soo kicitimay magaalada Muqdisho oo aaminsan in Laascaanood aanay ka tirsanayn Somaliland ayaa ku soo fool leh magaalo madaxda Maamul goboleedka Puntland.
Kooxdan Ugaasyada ah oo sheegay inay ergo dhexdhexaadin ah ay ka galayaan dagaalka Laascaanood ayaa magaalada Garoowe kula kulmi doona Garaadada Nabad diidka ah ee ka soo jeeda Laascaanood.
Ergda lagu sheegay Hawiye iyo Raxanweyn ayaa ka mid kooxdii Farmaajo ee Laas-caanood ku soo duushay, waxaanay wakhti xaadirkan doonayaan inay Ergo isku ekaysiiyaan, maadaama oo hore Garaadadu ay u diideen wadahadalo ay Salaadiinta Somaliland kula yeeshaan Addis Ababa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*