Latest News

Kooxaha Argagixisada Ee Dagaalka Ka Wada Laascaanood Oo Weerar Saaka Ku Soo Qaaday Ciidanka Qaranka JSL

Hargeysa, Februar 11, 2023 (Haatufonline) – Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixida ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad joogintu.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa diyaar marwaba u yihiin amaraka dawladoodu farto.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*