Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Ciidamada Qaranka Ee Ku Dhaawacmay Laascaanood

Hargeysa, February 10, 2023 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka ee Birjeex, oo ay ku sugan yihiin ciidamo ku soo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Laascaanood, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.
Sidoo kalr Madaxweynuhu waxa uu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.
Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.
Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*